Muqdisho (Dawan) — Iskuulka Bartamaha, oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu da’da weyn Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay helaya dib-u-dhis buuxa in ka badan 66 sano kaddib markii la dhisay. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuca dib-u-dhiska iskuulkan taariikhiga ah.
Iskuulka Bartamaha waxaa la dhisay xilligii gumeysiga, ka hor xornimadii Soomaaliya ee 1960-kii. Tan iyo markaas, wuxuu ahaa goob ay wax ku barteen jiilal badan oo Soomaaliyeed, isaga oo soo maray marxalado kala duwan oo taariikhda dalka ka mid ah.
Hase yeeshee, muddo ka badan lixdan sano kaddib, dhismaha iskuulka ayaa duugoobay, waxaana soo gaaray burbur xooggan oo halis geliyey badbaadada ardayda iyo macallimiinta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.
Mashruuca dib-u-dhiska ayaa la filayaa inuu iskuulkan taariikhiga ah u beddelo xarun waxbarasho oo casri ah, isla markaana ardayda iyo macallimiinta u abuuro jawi waxbarasho oo ammaan ah oo ka wanaagsan kii hore.