Muqdisho (Dawan) — Boqortooyada Ingiriiska ayaa walaac ka muujisay dagaalkii ugu dambeeyay ee Baydhabo ka dhacay, iyadoo dhammaan dhinacyada ugu baaqday inay is-xakameeyaan, xiisadaha dejiyaan, khilaafaadkana ku xalliyaan wada-hadal.
Bayaanka ay maanta oo Arbaco ah ay soo saartay Safaaradda UK ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in rabshadaha dib uga soo cusboonaaday Baydhabo ay saameyn ku yeesheen dadka rayidka ah, iyadoo laga digay in dagaallo kale ay uga sii dari karaan xaaladda bani’aadantinimo ee horeyba u liitay ee Koonfur Galbeed.
“Waxaan dhammaan dhinacyada ugu baaqeynaa inay is-xakameeyaan, xiisadaha dejiyaan, khilaafaadkoodana ku xalliyaan wada-hadal,” ayay safaaraddu tiri.