Muqdisho (Dawan) – Kulankii Axaddii dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Francesca Di Mauro ayaa dhaliyay dood siyaasadeed kadib markii Villa Somalia iyo Midowga Yurub ay muujiyeen laba farriimood oo kala duwan oo ku saabsan ujeeddada kulanka iyo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa dhacay maalmo yar kadib markii ay natiijo la’aan kusoo dhammaadeen wadahadalladii siyaasadeed ee Muqdisho uga socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaas oo la xiriiray arrimaha doorashooyinka, wax ka beddelka dastuurka iyo hannaanka kala-guurka siyaasadeed.
Villa Somalia ayaa kulanka ku tilmaantay mid la xiriira iskaashi istiraatiiji ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.
Qoraal ay Madaxtooyadu ku baahisay barteeda X ayaa lagu sheegay in kulanka diiradda lagu saaray iskaashiga labada dhinac, dowlad-dhiska iyo arrimaha horumarinta.
“Waxay ka wadahadleen xiriirka istiraatiijiga ah ee soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga lagu taageerayo dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.
Madaxtooyada ayaa sidoo kale carrabka ku adkeysay muhiimadda sii wadista wada-shaqeynta iyo wadatashiga labada dhinac ee arrimaha ay wadaagaan.
Hase yeeshee, farriinta ay baahisay Safiirka Midowga Yurub Francesca Di Mauro ayaa qaadatay jihayn siyaasadeed oo ka duwan tan Villa Somalia.
Halkii ay si weyn diiradda u saari lahayd iskaashiga horumarinta ama xiriirka istiraatiijiga ah, Safiirka Midowga Yurub waxay xoogga saartay xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo wadahadalladii fashilmay ee dowladda iyo mucaaradka.
“Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu iga warbixiyay aragtidiisa ku aaddan wadahadalladii dhawaan dhacay,” ayay Francesca Di Mauro ku qortay barteeda X.
Waxay sidoo kale shaacisay inay maalin kahor la hadashay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyadoo sheegtay inay u muuqato in labada dhinac wali diyaar u yihiin wada-hadal.
“Markii aan shalay la hadlay Madaxweyne Siciid Deni, waxaan ka fahmay in labada dhinacba ay wali u furan yihiin wada-hadal,” ayay tiri.
Kala duwanaanshaha labada farriimood ayaa si degdeg ah usoo jiidatay indhaha dadka siyaasadda falanqeeya ee Muqdisho.
Halka Villa Somalia ay xoogga saartay xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo horumarinta, qoraalka Safiirka Midowga Yurub wuxuu u muuqday mid lagu qiimeynayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya wali diyaar u yihiin sii wadista wada-hadallada kadib fashilka kulmadii Muqdisho ee dhacay 13-ka ilaa 15-ka May.
Di Mauro ayaa sidoo kale dirtay farriin siyaasadeed oo si taxaddar leh loo qoray.


