Jabuuti (Dawan) – Isbahaysiga talada haya ee dalka Jabuuti ayaa isku raacay istiraatiijiyaddiisa ku aaddan doorashada madaxtinimada ee soo socota, iyadoo hoggaamiyeyaashu ay adkeeyeen midnimada xulafada iyo olole ku saleysan shacabka, sida ay warisay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, ahna guddoomiyaha Isbahaysiga Aqlabiyadda Madaxtooyada (UMP), Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, ayaa shir guddoomiyay kulan Axaddii ay isugu yimaadeen dhammaan xisbiyada ku mideysan isbahaysiga talada haya.
Kulanka waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday xisbiyada Isku-tagga Shacabka ee Horumarka (RPP), Jabhadda Soo-celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda (FRUD), Xisbiga Dimuqraadiga Bulshada (PSD), Midowga Jamhuuriyadda (UPR) iyo Xisbiga Dimuqraadiga Qaranka (PND).
“Xilli dalkeennu u baahan yahay caddeyn, isku duubni iyo abaabul, waxaan si wadajir ah u ansixinay jihada guud ee istiraatiijiyadda,” ayuu yiri guddoomiyaha UMP, isagoo xusay in ay jirto isfaham buuxa oo u dhexeeya xulafada.
