Muqdisho (Dawan) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed iyo saraakiil ka tirsan dowladda Ingiriiska ayaa ka wada hadlay xoojinta diyaar-garowga musiibooyinka iyo nidaamyada digniinta hore, ka hor xaaladda cimilo ee El Niño oo la saadaalinayo, sida ay hay’addu sheegtay Arbacadii.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la qaatay wefdi ka socday Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Ingiriiska (FCDO). Wefdiga waxaa hoggaaminayey Rurik Marsden, Ku-xigeenka Agaasimaha Siyaasadda Bani’aadantinimada iyo Iskaashiga.
Wefdiga waxaa sidoo kale ka mid ahaa Ranil Dissanayake, Ku-xigeenka Madaxa Dhaqaalaha; Tim Green, Hoggaamiyaha Kooxda Waaxda Falanqaynta; iyo Martin Gichuru, La-taliyaha Arrimaha Bani’aadantinimada.