Muqdisho (Dawan) – Kulliyadda Daraasaadka Sare iyo Xarunta Cilmi-baarista ee Jaamacadda Banaadir ayaa ku dhawaaqay daah-furka barnaamijka Master of Medicine in Ophthalmology (Master-ka Caafimaadka Indhaha), kaas oo ah barnaamij takhasus caafimaad oo heer sare ah.
Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu tahay diyaarinta xirfadlayaal caafimaad oo ku takhasusa daryeelka indhaha, iyadoo la horumarinayo aqoonta iyo khibradda caafimaad ee ka hortagga, ogaanshaha iyo daaweynta cudurrada indhaha. Waxa kale oo uu gacan ka geysan doonaa horumarinta adeegyada caafimaadka aragga ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha Jaamacadda Banaadir, Prof. Dr. Maxamed Maxamuud Xasan (Biday), ayaa sheegay in barnaamijkani yahay tallaabo muhiim ah oo jaamacaddu ku horumarinayso waxbarashada caafimaadka ee dalka.