Muqdisho (Dawan)– Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ansixisay qorshe lix bilood ah oo lagu ballaarinayo adeegyada tallaalka carruurta laguna ciribtirayo cudurka dabaysha. Qorshahan ayaa lagu ansixiyey kulankii ugu horreeyey ee Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Dabaysha, kaas oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, sida uu sheegay xafiiskiisu.
Kulanka Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Dabaysha waxaa ka qaybgalay wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada iyo maaliyadda, wakiillo ka socday dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha bahwadaagta ah oo ay ka yihiin Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF, Gavi, Africa CDC iyo Gates Foundation.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta adeegyada caafimaadka carruurta, gaarsiinta tallaalka carruurta aan weli helin, ciribtirka cudurka dabaysha iyo kordhinta maalgelinta gudaha, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku baaqay in si dhab ah loola xisaabtamo hay’adaha ku hawlan dadaallada lagula dagaallamayo cudurka dabaysha. “Miisaaniyad kasta oo loo qoondeeyay tallaalka waa inay dhalisaa natiijo cad, isla markaana tallaalkaasi gaaraa ilmo kasta, iyadoo loo marayo hannaan daahfuran, waxqabadkeenna waxaan ku qiimeyn doonnaa tirada carruurta aan tallaalnay iyo tayada adeegyada aan qabannay.” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in Guddiga Fulinta Isku-dhafka ah ee tallaalka lagula xisaabtami doono tirada carruurta ay gaaraan, faafitaannada cudurrada ay ka hortagaan iyo heerka ay ku xaqiijiyaan in carruurta Soomaaliyeed ay si sahlan u helaan tallaallada muhiimka ah.