Muqdisho (Dawan)– Hay’adda Sharciyeynta Adeegyada iyo Baaritaannada Beeraha Soomaaliyeed (SARIS) ayaa sheegtay inay baari doonto kiimikooyinka loo isticmaalo bislaynta mooska iyo miraha kale, kaddib markii warar lagu faafiyay baraha bulshada ay dhaliyeen walaac la xiriira badqabka cuntada iyo caafimaadka dadweynaha.
War qoraal ah oo ay hay’addu soo saartay Talaadadii ayay ku sheegtay in walaacu la xiriiro isticmaalka laba badeecadood oo kala ah Ethar Plus iyo Ethephon 40% SL, kuwaas oo loo adeegsado bislaynta mooska. Hay’addu waxay sheegtay in arrintani dhalisay su’aalo ku saabsan badqabka miraha iyo khataraha caafimaad ee ka dhalan kara isticmaalka aan habboonayn ee walxahaas.
SARIS ayaa sidoo kale sheegtay in Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), uu booqday qaybta khudaarta ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu si gaar ah ugu kuur-galay ganacsiga mooska iyo miraha kale, kana dhageystay cabashooyinka macaamiisha iyo ganacsatada.
Hay’addu waxay caddeysay in bislaynta miraha la samayn karo marka la goosto, iyadoo la adeegsanayo walxo iyo habab la oggolaaday, lana raacayo tilmaamaha iyo shuruudaha ku xusan summadaha badeecadaha. Waxay intaas ku dartay in gaaska ethylene loo isticmaali karo bislaynta mooska, haddii la buuxiyo shuruudaha badqabka ee la xiriira qiyaasta, heerkulka, muddada iyo nooca dalagga loo oggolaaday.
Ethephon waxaa loo isticmaalaa nidaaminta koritaanka dhirta, taas oo marka la adeegsado sii daysa gaaska ethylene ee dedejiya bislaynta miraha.