Muqdisho (Dawan) – Amal Bank ayaa ballanqaaday inuu maalgelin doono iskaashatooyinka yaryar ee ka shaqeeya wax-soo-saarka dalka, gaar ahaan qaybaha xoolaha, kalluumeysiga iyo beeraha. Ballanqaadkan ayaa lagu shaaciyay munaasabadda daahfurka Iskaashatada Kobciye oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Maamulaha Amal Bank ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, Cali Maxamuud Sheekhow (Ali Mohamud Shegow), ayaa sheegay in bangigu diyaar u yahay inuu maalgeliyo iskaashatooyinka yaryar ee doonaya inay wax-soo-saarkooda suuq-geeyaan iyagoo la kaashanaya Kobciye.
Iskaashatada Kobciye ayaa dhankeeda shaacisay qorshe ay ku doonayso in lagu abuuro iskaashatooyin badan oo ay wax-soo-saarkooda ka iibsan doonto, gaar ahaan dhinacyada xoolaha, kalluumeysiga iyo dalagyada beeraha. “Amal Bank ahaan, waxaan diyaar u nahay inaan maalgelinno iskaashatooyinka yaryar ee rajaynaya inay mustaqbalka wax-soo-saarkooda u gudbiyaan Kobciye, annagoo tixgelinayna muhiimadda ay u leeyihiin wax-soo-saarka dalka iyo horumarinta dhaqaalaha,” ayuu yiri maamuluhu. Wuxuu intaas ku daray in Amal Bank uusan ahayn oo keliya hay'ad maaliyadeed, balse uu doonayo inuu door muuqda ka qaato kobcinta dhaqaalaha, horumarinta ganacsiga iyo taageeridda bulshada Soomaaliyeed.