Muqdisho (Dawan)– Isbitaalka Dr. Sumait ee Jaamacadda SIMAD ayaa dhagax-dhigay dhisme cusub oo casri ah, kaas oo lagu hirgelinayo shaybaarkii ugu horreeyay ee hidde-sidaha (Genomics Laboratory) ee Soomaaliya.
Dhagax-dhigga waxaa si wadajir ah u sameeyay Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Dr. Cabdikariin Muxayidiin Axmed; Agaasimaha Hay’adda Direct Aid, Maxamed Sheekh Bashiir; iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Yuusuf Xasan Isaaq.
Dhismaha cusub, oo ay maalgelinayso Hay’adda Direct Aid, ayaa ka koobnaan doona shaybaarka hidde-sidaha, qaybo casri ah oo loogu talagalay bukaan-jiifka iyo bukaan-socodka, iyo qolal si gaar ah loogu diyaariyay qaabilaadda iyo la-talinta bukaannada.