Muqdisho(Dawan)— Isbitaalka Dr. Sumait, oo kaashanaya hay’adda Direct Aid iyo Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Soomaaliya, ayaa adeegyo caafimaad oo indhaha ah gaarsiiyay barakacayaasha ku nool xeryaha Muqdisho, iyadoo in ka badan 50 qof lagu sameeyay qalliinno bilaash ah oo indhaha ah, halka in ka badan 410 qof laga baaray aragga.
Barnaamijkan ayaa qayb ka ahaa hawlaha lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Aragga, oo ku beegnayd 8-dii Oktoobar, waxaana ujeeddadiisu ahayd in la wanaajiyo helitaanka adeegyada caafimaadka indhaha ee bulshada nugul, gaar ahaan dadka ku nool xeryaha barakacayaasha.
Isbitaalka Dr. Sumait ayaa sheegay in barnaamijkiisa daryeelka indhaha uu ka kooban yahay qalliinno, baaritaanno aragga, ololeyaal wacyigelin caafimaad iyo tababarrada shaqaalaha caafimaadka. Isbitaalku wuxuu sidoo kale sheegay inuu sannadka 2026 taageeray in ka badan 1,900 qalliin oo indhaha ah, isaga oo la kaashanaya hay’adaha Direct Aid, Deniz Feneri iyo Aftuder Charity.
Barnaamijyada Maalinta Caalamiga ah ee Aragga waxaa sidoo kale ka mid ahaa aqoon-is-weydaarsi iyo tababar hal maalin socday oo ku saabsanaa caafimaadka indhaha, kaas oo lagu qabtay Muqdisho. Kulanka waxaa ka qaybgalay xirfadlayaal caafimaad oo ka dooday caqabadaha adeegyada daryeelka indhaha iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada caafimaad ee dalka.