Baydhabo (Dawan) — Isku soo bax ay soo qabanqaabiyeen maamulka degmada Baydhabo oo lagu taageerayay Turkiga ayaa Talaadadan manata ah ka dhacay garoonka Dr Ayuub Stadium, iyadoo ay ka qeybgaleen shacabka magaalada iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Mas’uuliyiintii ka hadlay fagaaraha ayaa cambaareeyay gubista ay sheegeen in lagu sameeyay calanka Turkiga oo ka dhacday tuulooyin ku dhow Baydhabo, iyagoo sheegay in falkaasi lagu bartilmaameedsaday dal ay sheegeen inuu taageero u fidiyo Soomaaliya iyo Koonfur Galbeed.
Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isxaaq Maxamed Korsaar ayaa taageero u muujiyay Turkiga, isagoo ammaanay taageerada Ankara ay la garab taagan tahay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
“Isku soo baxaan waa mid shucuur ah oo lagu muujinayo inaan ka xunahay in calankii sharafta lahaa ee dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga lagu gubo meel baadiya ah,” ayuu yiri Korsaar.
Waxa uu ku eedeeyay dadka ka dambeeyay falka inay leeyihiin dano gaar ah ayna saf la yihiin Al-Shabaab, isagoo kooxda ugu yeeray Khawaarij, kaas oo ah eray ay mas’uuliyiinta Soomaaliya inta badan u adeegsadaan Al-Shabaab.