Soomaaliya, 15 Abriil 2026 (Dawan)—Israa’iil ayaa magacowday safiirkii ugu horreeyay ee u fadhinaya Somaliland, sida ay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas sheegtay Arbacadii, talaabadaas oo u muuqata mid kor u qaadaysa xiisadda kala dhaxaysa Soomaaliya, oo Somaliland u tixgelisa qayb ka mid ah dhulkeeda.
Michael Lotem ayaa loo magacaabay safiir aan deggenayn oo u fadhiya Somaliland, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil. Lotem ayaa horay usoo noqday safiirka u fadhiya dalalka Kenya, Asarbayjan iyo Kasakhstan.
Magacaabistan ayaa daba socota go'aankii Israa'iil ee bishii Diseembar 2025 ay ku gaartay inay aqoonsi wadaag ah la yeelato Somaliland, taasoo ay Soomaaliya gabi ahaanba diidday, dalal dhowr ahna ay dhaleeceeyeen.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya sannadkii 1991-kii, balse weli ma helin aqoonsi ballaaran oo caalami ah. Waxay ku shaqaysaa nidaam dawladeed iyo qaab-dhismeed ammaan oo u gaar ah, halka Soomaaliya ku adkaysanayso inay tahay qeyb ka mid ah dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay xiriir kasta oo toos ah oo lala yeesho Somaliland, iyadoo tallaabooyinkaas ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah midnimada dhulka iyo qarannimada Soomaaliya.


