Baku (Dawan) – Dowladda Itoobiya iyo Dowladda Azerbaijan ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca difaaca ah, kaddib markii uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu booqqasho ku tegay caasimadda dalkaas ee Baku .
Heshiiska ayaa la saxiixay iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Azerbaijan, Ilham Aliyev, waxaana lagu tilmaamay mid lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.
Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta buuxda, heshiiska ayaa la fahamsan yahay inuu diiradda saarayo is-dhaafsiga khibradaha iyo tababarka ciidamada, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha difaaca, iyo iskaashi farsamo iyo mid istiraatiiji ah.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa saxiixa dhowr is-afgarad (MOU) oo la xiriira dhinacyada dhaqaalaha, duulista hawada iyo maalgashiga, taasoo muujinaysa ballaarinta xiriirka laba-geesoodka ah.






