Antalya (Dawan)— Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah u furtay Ardaaggeeda Qaranka (Somalia Pavilion) ee Shirweynaha 31-aad ee Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (COP31), oo ka socda magaalada Antalya ee dalka Turkiga, iyadoo ujeeddadu tahay xoojinta dadaallada lagu raadinayo maalgelinta cimilada iyo iskaashiga caalamiga ah.
Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Bashiir Maxamed Jaamac, iyo Wasiirka Beeraha, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray ardaagga. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin dowladeed, wakiillo ka socday bulshada rayidka ah iyo bahwadaagta Soomaaliya.
Wasiir Bashiir ayaa sheegay in Soomaaliya ay dadaal badan gelisay sidii ay shirka COP31 uga heli lahayd madal ay ku soo bandhigto baahiyaha dalka, qorshayaasha la qabsiga isbeddelka cimilada iyo mudnaanta qaranka ee dhinaca deegaanka. Waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay helitaanka maalgelin caalami ah oo lagu taageerayo dadaallada lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xoojinta adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.