Addis Ababa (Dawan) — Dowladda Itoobiya ayaa Axaddii dib u furtay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Debre Markos ee gobolka Amxaarada, kaddib ku dhowaad 30 sano oo uu ka maqnaa adeegga, iyadoo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu sheegay in dib-u-dhiska garoonku uu kor u qaadi doono ganacsiga, maalgashiga iyo dalxiiska.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka hadlay munaasabadda furitaanka Garoonka Boqor Tekle Haymanot ee dib loo dhisay ayaa sheegay in garoonka si buuxda loo casriyeeyay si uu u qaabili karo diyaaradaha rakaabka iyo kuwa xamuulka qaada ee waaweyn, kaddib muddo ku dhow soddon sano oo uusan shaqeyn.
Qoraal uu ku daabacay barta X, ayuu Abiy ku sheegay in shacabka Debre Markos iyo deegaannada ku xeeran ay muddo dheer sugayeen dib u furista garoonka, isagoo xusay in mashruucan uu ka mid yahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dalka.
Garoonka ayaa leh dhabbe ay diyaaraduhu ku ordaan oo dhererkiisu yahay 2,400 mitir, ballaciisuna yahay 30 mitir, taas oo u saamaxaysa inuu qaabilo diyaarado ay ka mid yihiin De Havilland Canada Dash 8 Q400 iyo Boeing 737, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu.