Itoobiya, 2 Oktoobar 2025 – Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xirmo mashaariic warshado iyo tamar ah oo ku kacaya qiyaastii $10 bilyan, kuwaas oo ka socda Deegaanka Soomaalida, waxaana ku jira warshad bacriminta ah, warshad sifeynta saliidda iyo ballaarinta kaabeyaasha gaaska dabiiciga ah, sida uu sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Khamiistii.
Abiy, oo qoraallo ku baahiyay baraha bulshada X isagoo ku sugan Gode iyo Calub, ayaa sheegay in mashaariicdan oo uu maanta bilaaby in loogu talagalay in lagu beddelo waaxaha tamarta iyo beeraha Itoobiya, yareynta ku tiirsanaanta wax-soo dejinta, iyo xoojinta helidda cunnada.
Mashruuca ugu weyn waa Mashruuca Ogaden ee Gaaska Dabiiciga ah ee La Sifay (LNG), halkaas oo Abiy xarigga ka jaray wajiga koowaad oo leh awood sannadkii lagu soo saari karo 111 milyan oo litir, isla markaana bilaabay wajiga labaad oo lagu darayo 1.33 bilyan oo litir sannadkii. Abiy waxa uu sheegay in mashruucaan sidoo kale soo saari doono 1,000 megawatt oo koronto ah.
“Tani ma aha oo keliya warshad gaas ah. Waa tiir-dhexaadka dadaallada amniga cunnada ee dalka, iyadoo la bixinayo agab lagama maarmaan u ah soo saarista bacriminta. Sidoo kale waxay siisaa khayraad muhiim ah tamarta iyo mashaariicda crypto-mining,” ayuu yiri Abiy isagoo qoraal ku daabacay X.
Mashaariicda kale waxaa ka mid ah Warshadda Bacriminta Dangote–Gode, oo ah iskaashi u dhexeeya Ethiopian Investment Holdings iyo shirkadda Nigeria laga leeyahay ee Dangote Group, taas oo sannadkii soo saari doonta 3 milyan oo tan oo bacriminta urea ah, waxaana lagu quudin doonaa gaas dabiici ah oo 108 km looga soo gudbinayo ceelasha Calub. Sidoo kale waxaa jira Warshadda Sifeynta Saliidda Gode, oo ay maalgelinayso shirkadda Shiinaha ee Golden Concord Group Limited (GCL), taas oo qorshuhu yahay in sannadkii sifeeyso 3.5 milyan oo tan oo saliid ceeriin ah.
Abiy ayaa ku tilmaamay mashaariicdan qayb ka mid ah dadaal ballaaran oo Itoobiya ay ku doonayso in ay isu muujiso sidii xarun tamareed iyo warshadeed oo cusub oo Geeska Afrika ah.
“Mashaariicdan waxa ay ka tarjumayaan wax ka badan horumar warshadeed oo keliya. Waxay astaan u yihiin mas’uuliyadda aynu wadaagno ee ah in aan ka faa’iidaysanno fursadaha, aan xoojino iskaashiga, isla markaana aan dhiirrigelino nabadda,” ayuu yiri.
Khabiirro ayaa sheegaya in mashaariicdani ay si weyn wax uga beddeli karaan dhaqaalaha Itoobiya, hase yeeshee waxa ay digniin ka bixiyeen caqabado, oo ay ku jiraan baahida maalgelinta, suuqyada tamarta adduunka oo is beddel badan leh, iyo taariikhda deegaanka Soomaalida ee xasillooni darrida.



