Addis Ababa (Dawan) – Guddiga Joogtada ah ee Xiriirka Deegaanada, Midnimada Dimuqraadiga iyo Wacyigelinta Dastuurka ee Golaha Federaalka Itoobiya ayaa soo bandhigay warbixinta waxqabadka sanad-miisaaniyadeedka 2018 oo ah sanadka Itoobiya oo hadda dhamaaday, isla markaana ku beegan 2026 wuxuuna sheegay in horumar laga sameeyay baahinta maamulka, xoojinta midnimada qaranka iyo hirgelinta nidaamka federaalka.
Sida ay baahisay SRTV Somali, guddigu wuxuu soo saaray warbixinta sannadlaha ah ee waxqabadka, taas oo ay soo jeedisay xoghayaha guddiga, Marwo Banchi Yirga Melese, iyadoo kulanka uu guddoominayay Guddoomiyaha guddiga, Injineer Maxamed Shaale.
Warbixinta ayaa lagu xusay in la hirgeliyay barnaamijyo lagu xoojinayo wada-noolaanshaha iyo xiriirka qowmiyadaha Itoobiya, iyada oo kor loo qaadayo fahamka dastuurka iyo nidaamka federaalka, isla markaana lagu dhisayo qaab-dhismeedyo taageeraya midnimada iyo wadajirka bulshada.