Muqdisho (Dawan) — Jaamacadaha SIMAD iyo Ummadda Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku daahfuray barnaamij waxbarasho oo cusub oo ku saabsan nidaamka hay’adaha, shuruucda iyo isdhexgalka dhaqaale ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha dadka ka shaqeeya hirgelinta heshiisyada gobolka.
Barnaamijkan oo lagu magacaabo EAC Executive Integration Course: Postgraduate Diploma ayaa si rasmi ah loogu daahfuray Shirweynaha Bulshada Bariga Afrika ee EACON 2026, oo maanta ka furmay Muqdisho.
Barnaamijka oo soconaya 14 toddobaad ayaa diiradda saaraya sidii xirfadlayaasha Soomaaliyeed loo siin lahaa aqoon ku saabsan qaab-dhismeedka Bulshada Bariga Afrika, heshiisyada sharci ee ururka iyo fursadaha dhaqaale ee ka dhasha isdhexgalka dalalka xubnaha ka ah.
Sida ku cad qorshaha waxbarasho ee labada jaamacadood, barnaamijka ayaa ka kooban saddex qaybood oo waaweyn, kuwaas oo kala ah isdhexgalka hay’adaha, iswaafajinta shuruucda iyo isdhexgalka dhaqaalaha.
Qaybta koowaad oo soconaysa shanta toddobaad ee ugu horreeya ayaa lagu baranayaa taariikhda Bulshada Bariga Afrika, qaab-dhismeedka hay’adaheeda, habka go’aan qaadashada iyo shaqada hay’adaha ay ka mid yihiin Golaha Wasiirrada, Golaha Sharci-dejinta Bariga Afrika iyo Maxkamadda Caddaaladda Bariga Afrika.
Qaybta labaad ayaa diiradda saaraysa xiriirka ka dhexeeya shuruucda Bulshada Bariga Afrika iyo sharciyada dalalka xubnaha ka ah, iyadoo la baranayo hirgelinta heshiisyada gobolka, waajibaadka sharci iyo hababka lagu xalliyo khilaafaadka.
Qaybta saddexaad oo soconaysa toddobaadyada 7-aad ilaa 14-aad ayaa lagu baranayaa isdhexgalka dhaqaale, gaar ahaan Midowga Kastamyada, Suuqa Wadajirka ah, isu-socodka shaqaalaha, badeecadaha iyo adeegyada, iyo caqabadaha ganacsi ee ka jira gobolka.
Waxaa sidoo kale lagu falanqayn doonaa iskaashiga dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha, gaadiidka, tamarta, beeraha, tiknoolajiyadda iyo fursadaha laga filayo isdhexgalka dhaqaale ee dalalka Bariga Afrika.