Jabuuti – 10 Oktoobar 2025 (Dawan) — Gobolka Ubuq ee Jabuuti oo sanadkan qayb ka noqday xuska Maalinta Caafimaadka Maskaxda Adduunka, ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha caafimaadka maskaxda ee qaxootiga. Munaasabaddan ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda ay leedahay bixinta adeegyo caafimaad oo maskaxeed oo ku filan, gaar ahaan dadka nugul ee ay saameeyeen abaaraha iyo dagaaladda.
Munaasabadda, oo ay qabanqaabisay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka iyadoo kaashaneysa maamulka gobolka Ubuq, ayaa waxaa iskugu yimid dadka deegaanka, qaxootiga, iyo mas’uuliyiinta labada dinac si looga hadlo baahida degdegga ah ee lagu balaarinayo adeegyada caafimaadka maskaxda ee dalka.
In ka badan 200 oo qof oo ka soo qeyb galay ayaa u badnaa muhaajiriin iyo qaxooti ka soo kala haajiray dalalka Deriska ah, iyaga oo wajahaya caqabado badan oo la xiriira helitaanka adeegyada caafimaadka iyo kuwa maskaxda, mas’uuliyiinta ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo in ay dadkaan helaan adeegyo caafimaad oo si gaara maskaxda u quseeya.
Muuse Aadan Migane, gudoomiyaha gobolka Ubuq, ayaa sheegay in Jabuuti ay sii wadi doonto taageeridda caafimaadka maskaxda ee muhaajiriinta iyo qaxootiga la daalaa dhacaya caqabadaha barakaca.
Xuskan ayaa muujiyay in caafimaadka maskaxdu uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah gargaar bini’aadamnimo, isla markaana kordhinta taageerada daryeelka maskaxda ay lagama maarmaan u tahay horumarinta caafimaadka iyo badbaadada qaxootiga, muhaajiriinta, iyo dadka kale ee nugul ee Jabiiti ku sugan.



