Bangkok (Dawan) – Jabuuti iyo Bangiga Adduunka ayaa ku heshiiyay inay bilaabaan diyaarinta Qorshaha Iskaashiga Dalka (CPF) ee 2028–2032, kaas oo diiradda saari doona kobaca dhaqaale ee ay hoggaaminayso qaybta gaarka ah iyo shaqo abuurka.
Heshiiska waxaa lagu gaaray kulan magaalada Bangkok ku dhexmaray Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Moussa Dawaleh iyo Ousmane Dione, Madaxweyne-ku-xigeenka Bangiga Adduunka u qaabilsan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Wasiir Dawaleh waxaa wehelinayay Wasiirka Miisaaniyadda Isman Ibraahim Rooble, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Hassan Moussa Yaasin, iyo Xoghayaha Guud ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Najiib Cabdalla Mohamed.
Labada dhinac waxay isku raaceen afar mudnaan oo kala ah shaqo abuurka dhalinyarada, tamarta, dib-u-habaynta shirkadaha dowladda, iyo horumarinta qaybta gaarka ah iyo maalgashiga.