Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta, Ayuub Ismaaciil Yuusuf, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshayaal lagu horumarinayo kaabayaasha gaadiidka, kuwaas oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyin laga hirgelinayo deegaanno kala duwan oo dalka ah. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay munaasabadda daahfurka shirka ansixinta Istaraatiijiyadda Wasaaradda Hawlaha Guud ee sannadaha 2026–2029.
Isaga oo ka hadlayay qorshayaasha dhismaha waddooyinka, ayuu sheegay in dowladda ay qorshaynayso dhismaha waddo isku xiri doonta Boorama iyo Lowya-Cadde, taas oo kharashkeeda lagu qiyaasay 70 milyan oo dollar.
“Somaliland waxaan ka wadnaa waddooyin, sida waddada isku xirta Boorama iyo Lowya-Cadde, taas oo ku dhow 70 milyan oo dollar,” ayuu yiri wasiirku.
Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha wasaaraddu yahay dhismaha iyo horumarinta illaa 5,000 oo kiiloomitir oo waddooyin ah, si loo xoojiyo isku-xirka degmooyinka, garoomada diyaaradaha iyo dekedaha, loona fududeeyo isu-socodka dadka iyo badeecadaha.