Jowhar (Dawan)— Golaha Wasiirrada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ansixiyey miisaaniyadda sannadka 2027-ka oo dhan $47.45 milyan, kaddib kulan uu magaalada Jowhar ku shir-guddoomiyey Hoggaamiyaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee Hoggaamiye Cali Guudlaawe uu shir-guddoomiyo tan iyo markii dib loo doortay. Waxaa looga hadlay xaaladda amniga, dhaqaalaha, doorashooyinka, fatahaadaha iyo qorsheyaasha lagu horumarinayo adeegyada bulshada.
Wasaaradda Amniga ayaa Golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan xaaladda amniga iyo qorsheyaasha lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
Dhanka kale, Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Golaha u soo bandhigtay hindisaha miisaaniyadda sannadka 2027-ka, kaas oo ay Golaha Wasiirradu ansixiyeen.