Jabuuti (Dawan)— Dowladda Jabuuti ayaa billowday inay ballaariso xarumaha lagu qaabilo qaxootiga Yemen, xilli doonyo cusub ay dad ku soo gaarsiinayaan xeebaha gobolka Obock ee waqooyiga dalka sida ay sheegtay wakaaladda wararka Jabuuti.
Ra’iisul Wasaare Cabdulqaadir Kaamil Maxamed ayaa Axaddii guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda bani’aadannimo iyo sida loo maareynayo dadka cusub ee gaaray deegaannada Godoria iyo Moulhoulé.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kordhinta awoodda xarunta Markazi iyo mideynta habka lagu diiwaangelinayo, lagu dejinayo laguna taageerayo qaxootiga, si dadka soo gaaraya dalka loogu qaabilo xaalad ammaan ah oo dhowraysa sharaftooda.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu wasaaradaha iyo hay’adaha arrintan ku howlan siiyay tilmaamo cad, isaga oo ku baaqay in si dhow la isugu dubbarido shaqada dowladda iyo bahwadaagta caalamiga ah.
Hay’adaha ku lugta leh gurmadka waxaa ka mid ah Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Guddiga Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas, Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka, Ururka Caafimaadka Adduunka iyo Qatar Charity.