Jabuuti, 25 Nofeembar 2025 – Dowladda Jabuuti, oo kaashanaysa Midowga Yurub, ayaa si rasmi ah u bilawday mashruuc €7 Milyan ah oo lagu baranayo xirfadaha elektaroonigga, kaas oo loogu talagalay horumarinta xirfadaha dhijitaalka ee dalka.
Mashruuca waxaa Isniintii furay Wasiirka Dhaqaalaha Dijitaalka, Maryam Hamadou Cali, iyo Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Jabuuti, Denisa-Elena Lonete.
Mashruuca waxaa fulin doona khuburro France muddo afar sano ah, si dhalinyarada, haweenka, iyo xirfadlayaasha loogu tababaro xirfadaha dhijitaalka aasaasiga ah, isla markaana loo xoojiyo tartanka ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Mashruuca ayaa ka kooban
- Campus 42 Jabuuti: Dhisida iskuulka ugu horreeya ee shabakadda caalamiga ah ee 42 ee Bariga Afrika, kaas oo bixiya barasho ku saleysan mashruucyo iyadoo aan shuruud loogu xirin shahaado.
- Xarumaha Dijitaalka: Furida xarumo gobollada ka tirsan si loo bixiyo tababar, adeegyo dhijitaal ah, iyo taageero ganacsi.
- Tartanka Dhaqaalaha: Xoojinta Aqalka Ganacsiga Jabuuti iyo Xarunta Kheyraadka iyo Xirfadaha si loo taageero dhijitaleynta qaybaha sida dekedaha iyo saadka.
Mashruucu waa qayb ka mid ah qorshayaasha horumarineed ee Jabuuti, oo ay ka mid yihiin Qorshaha Horumarinta Qaranka 2025-2030. Waxa kale oo mashruuca taageero ka helaya hay’ado qaran iyo kuwo caalami ah, oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Maaliyadda, Xarunta Hogaaminta iyo Ganacsiga (CLE), iyo golayaasha gobollada.








