Jabuuti, 18 Janaayo 2026 (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa bilowday sanduuq cusub oo lagu taageerayo mashaariicda ay bulshooyinka maxalliga ahi hormuudka ka yihiin, si kor loogu qaado xaaladaha nololeed ee degmooyinka si degdeg ah u koraya, gaar ahaan degmada Balbala.
Hay’adda Horumarinta Bulshada ee Jabuuti ayaa ku dhawaaqday daah-furka Sanduuqa Horumarinta Bulshada, kaas oo qeyb ka ah wejiga labaad ee Barnaamijka Isku-dhafka ah ee Horumarinta Magaalada. Sanduuqan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo kaalinta ururada xaafadaha, lana dhiirrigeliyo hindisayaasha bulshada ee wax ka qabta baahiyaha nololeed ee dadka deegaanka.
Ku dhawaaqista sanduuqa ayaa lagu sameeyay kulan ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaal ka tirsan ururada bulshada ee degmooyinka Layabley iyo Mosquaire, halkaas oo la faahfaahiyay habraaca iyo shuruudaha ka faa’iideysiga sanduuqa. Sida ay sheegeen masuuliyiinta, urur kasta oo la doorto ayaa heli doona hal milyan oo Faranka Jabuuti ah, taas oo u dhiganta ku dhowaad 5,600 oo doolar, si ay u hirgeliyaan mashaariic bulsho ama qorshayaal ganacsi oo wax ku ool ah.
Barnaamijku wuxuu mudnaan siinayaa mashaariicda si toos ah uga jawaabaya baahiyaha ay aqoonsadeen dadka deegaanka, isaga oo dhiirrigelinaya xalal maxalli ah oo lagu wajahayo caqabadaha dhaqaale iyo kuwa bulsho. Masuuliyiinta hay’adda ayaa sheegay in sanduuqan uu dhammaystirayo mashaariicda waaweyn ee kaabayaasha dhaqaalaha ee horay uga socday Balbala, sida dhismaha waddooyinka, ballaarinta shabakadaha biyaha, iyo horumarinta adeegyada bulshada.







