Jabuuti (Dawan) – Booliska Qaranka Jabuuti ayaa bilaabay diiwaangelinta dadka lacagaha looga dhacay shabakado internet oo si been-abuur ah u adeegsanayay magaca iyo astaanta WAAFI, iyadoo tallaabadan looga gol leeyahay in la ururiyo xogta dhibbanayaasha, qiimeynta khasaaraha dhaqaale iyo xoojinta baaritaannada socda.
Booliska ayaa baarayaal u diray xarumo kala duwan oo lagu qaabilayo dadka cabashada qaba, kuwaas oo lagu diiwaangelinayo xogtooda iyo faahfaahinta habkii loo khiyaaneeyay.
Dadka cabashada gudbinaya waxaa laga qaadayaa magacyadooda, nuqullada kaararka aqoonsiga, lambarrada taleefannada ay la xiriireen, bogagga Facebook ama akoonnada WhatsApp ee loo adeegsaday khiyaanada, iyo caddeymaha lacagihii ay bixiyeen.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in diiwaangelintan ay muhiim u tahay in la helo tiro rasmi ah oo muujinaysa dadka lagu dhacay magaca WAAFI iyo wadarta khasaaraha dhaqaale ee ka dhashay falalkan.
Sida ay sheegeen Booliska Qaranka Jabuuti, shabakadaha lagu eedeeyay falalkan ayaa si xirfadeysan u beegsaday qaybo ka mid ah bulshada, iyagoo sameystay bogag Facebook oo been-abuur ah iyo akoonno WhatsApp, kana dhigayay kuwo matalaya ama ka tirsan adeegga WAAFI.