New York (Dawan)— Jabuuti ayaa Eritrea ugu baaqday inay dib u bilaabaan wada-hadallo lagu xallinayo murankooda xadka, laguna soo celinayo askar ay Jabuuti sheegtay in muddo ka badan 18 sano lagu hayo iyada oo aan lala xiriiri karin.
“Waxaan mar kale gacanta u fidinaynaa deriskeenna Eritrea,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, Sabtidii ka sheegay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Wuxuu sheegay in wada-hadal iyo gorgortan waafaqsan sharciga caalamiga ahi ay yihiin jidka keliya ee lagu gaari karo xal nabadeed oo waara.
Jabuuti waxay sheegtay in askar Jabuuti ah i ay Eritrea gacanta ugu jiraan tan iyo dagaalkii xadka ka dhacay 2008. Wasiirku ma sheegin tirada ay Jabuuti aaminsan tahay inay weli xiran yihiin, mana faahfaahin xiriir dhowaan ay arrintan kala sameeyeen Eritrea.