Jabuuti, 21 Janaayo 2026 (Dawan)— Jaamacadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u furtay 15-kii bishaan Janaayo xarun cusub oo cilmi-baaris oo diiradda saaraysa tamarta, taas oo ujeedadeedu tahay horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo, casriyeynta nidaamyada korontada, iyo xoojinta doorka Jabuuti ee hal-abuurka tamarta nadiifka ah ee Geeska Afrika.
Xarunta oo loo bixiyay Laboratooriga Cilmi-baarista Tamarta iyo Nidaamyada Tamarta (LaRESE), ayaa ka mid ah mashruuca Xarumaha Sare ee Afrika (ACE-Impact), oo ah barnaamij goboleed uu taageerayo Bankiga Adduunka, kana shaqeeya xoojinta cilmi-baarista la dabaqo iyo tayeynta waxbarashada sare ee dalalka Afrika ee ka hooseeya Saxaraha.
Masuuliyiinta Jaamacadda Jabuuti ayaa sheegay in xaruntan cusub lagu qalabeeyay agab cilmiyeed oo casri ah, isla markaana ay diiradda saari doonto horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo, kor u qaadista hufnaanta shabakadaha korontada, iyo maareynta kheyraadka tamarta si waara.
Isku-duwaha mashruuca ACE-Impact, Suleymaan Cumar, ayaa sheegay in xaruntu ay u sahlayso cilmi-baarayaasha iyo ardayda jaamacadda inay soo saaraan xalal wax ku ool ah oo ka tarjumaya baahiyaha dhabta ah ee Jabuuti iyo guud ahaan gobolka. Wuxuu intaa ku daray in natiijooyinka cilmi-baarista laga faa’iideysan doono go’aan-qaadashada siyaasadaha tamarta.
"Kaabayaashani waxay u sahlayaan cilmi-baarayaasha iyo ardaydayada inay helaan xalal wax ku ool ah oo loo isticmaalo Jabuuti iyo gobolka," ayuu yiri Suleymaan Cumar,







