Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa ka mid noqotay dalalka ku guuleystay Abaal-marinta Dahabka ah (Gold Award) ee adeegyada Xajka sanadkan 2026, taas oo lagu guddoonsiiyay munaasabad lagu qabtay magaalada Maka kaddib soo xiritaanka waajibaadka Xajka.
Abaal-marintan oo ay bixiso Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu qiimeeyaa heerka iyo tayada adeegyada ay dalalku u fidiyaan xujeydooda inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka Xajka.
Wasiirka Arrimaha Islaamka, Hantida iyo Awqaafta ee Jabuuti, Muumin Xasan Barre, ayaa guddoomay abaal-marinta isagoo ku hadlayay magaca dalkiisa.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay guushan ay gaartay Jamhuuriyadda Jabuuti. Ilaahay ayaan uga mahadcelinayaa abaalgudkan dahabiga ah. Waxaan hambalyo u dirayaa shacabka, dowladda iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti,” ayuu yiri wasiirku kaddib markii uu guddoomay abaal-marinta.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Xajka ee Sacuudiga, qiimeynta ayaa lagu saleeyay dhowr qodob oo ay ka mid yihiin maamulka howlaha Xajka, tayada adeegyada la siiyo xujeyda iyo habsami-u-socodka howlaha inta lagu guda jiro xilliga Xajka.









