Jabuuti (Dawan)– Xafiiska Diwaanka Awqaafta ee Jabuuti ayaa Sabtidii bilaabay olole ballaaran oo lagu nadiifinayo, laguna sifaynayo isla markaana lagu sugayo amniga qabuuraha Ambouli, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Hawlgalka waxaa hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Islaamka iyo Awqaafta, Moumin Hassan Barreh, waxaana iska kaashaday maamulka gobolka Jabuuti iyo hay'adda OVD.
Hawlgalka waxaa ka qayb qaatay Ciidamada Qalabka Sida ee Jabuuti, Booliska Qaranka, Jandarmariiga Qaranka iyo Ciidanka Ilaalada Xeebaha.
Sida ay Wakaaladdu sheegtay, ujeeddada hawlgalku waa in la ilaaliyo nadaafadda iyo xurmada qabuuraha, sidoo kalena la xoojiyo amniga goobta, isla markaana laga hortago khatarta dabka.