Nairobi (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo matalay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka “Africa Forward” kaas oo Isniinti iyo Talaadadi ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti ee ADI.
Shirkan, waxaa si wadajir ah u guddoomiyay Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, waxaana ka qeyb galay madax Afrikaan ah, masuuliyiin dowladeed iyo wakiillo ka socday ganacsiga gaarka loo leeyahay.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhaqaale ee Afrika iyo Faransiiska, dhiirrigelinta maalgashiga iyo sidii xal wadajir ah loogu heli lahaa caqabadaha caalamiga ah ee la xiriira amniga, maamulka caalamiga ah iyo isbeddellada dhaqaale.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa qeyb ka noqday kulan looga hadlayay dib-u-habeynta Qaramada Midoobay, arrin muddo dheer ay dalalka Afrika ku dalbanayeen in qaaraddu hesho matalaad ballaaran oo ka dhex muuqata hay’adaha go’aan qaadashada caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.


