Lunda (Dawan) — Jabuuti ayaa ku baaqday in la helo dhaqaale joogto ah, ku filan oo la saadaalin karo oo lagu taageero dadaallada nabadda ee Afrika, iyadoo ku tilmaantay maalgelinta joogtada ah mid muhiim u ah awoodda qaaradda ee wax-ka-qabashada colaadaha iyo qalalaasaha.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti, Cabdulqadir Xuseen Cumar, ayaa hadalkan ka sheegay magaalada Luanda Sabtidii, halkaas oo uu kaga qaybgalay kalfadhigii 26-aad ee aan caadiga ahayn ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa dadaallada Afrika ee ka hortagga iyo xallinta colaadaha, iyadoo wasiirrada arrimaha dibadda ay ka doodayeen hindisaha loo bixiyay “Go’aannada Luanda”, qorshe hawleed la socda iyo hannaan lagu dabagalayo fulinta go’aannada kasoo baxa shirka.
Jabuuti ayaa si gaar ah u adkaysay baahida loo qabo in Sanduuqa Nabadda Afrika loo helo dhaqaale waara oo la saadaalin karo, si Midowga Afrika uu u yeesho awood uu si wax-ku-ool ah uga jawaabo caqabadaha amni ee qaaradda.