New York (Dawan) — Jabuuti ayaa beesha caalamka ugu baaqday inay ilaaliso guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya, ayna sii waddo taageerada mas’uuliyiinta Soomaalida ee ilaalinta hay’adaha dalka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Cabdulqaadir Xuseen Cumar , ayaa baaqan ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay Sabtidii. Wuxuu sheegay in dalkiisu weli garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya si loo xoojiyo nabadda iyo xasilloonida.
“Beesha caalamku waa inay ilaalisaa guulaha amni ee la gaaray, ayna sii waddaa taageerada mas’uuliyiinta Soomaalida si ay si buuxda u gutaan waajibaadkooda una ilaaliyaan hay’adahooda,” ayuu yiri Cumar.