Jabuuti (Dawan) – Wasiirka Arrimaha Islaamka iyo Hantida Waqfka ee Jabuuti, Muumin Xasan Barre, ayaa shahaadooyin aqoonsi guddoonsiiyay xubnaha Guddiga Xajka ee dalka, kadib markii ay ku guuleysteen abaalmarinta dahabka ah ee Labbaytoum, oo ay bixiso Boqortooyada Sacuudiga.
Guddiga Xajka Jabuuti ayaa sanadkan ku mutaystay abaalmarintan, taas oo lagu maamuuso tayada abaabulka iyo adeegyada loo fidiyo xujeyda, kaddib qiimeyn lagu sameeyay habka ay u maareeyeen howlaha Xajka iyo adeegyada ay u diyaariyeen muwaadiniinta Jabuuti.
Munaasabadda lagu maamuusay xubnaha guddiga ayaa lagu qabtay Qasriga Shacabka ee Jabuuti, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Wasaaradda Arrimaha Islaamka iyo xubno ka mid ahaa kooxihii ka shaqeeyay howlaha Xajka.
Wasiir Muumin Xasan ayaa sheegay in abaalmarintani ay sharaf u tahay Jabuuti, isla markaana ay muujineyso horumarka uu dalku ka sameeyay tayeynta adeegyada loo fidiyo xujeyda.