Jabuuti (Dawan ) – Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ciidankeeda Ilaalada Xeebaha ay qabteen doon ka timid Yemen, taas oo ay saarnaayeen tahriibayaal hubeysan oo isku dayayay inay si sharci-darro ah ku galaan biyaha dalka, iyadoo hawlgalku ka dhacay meel u dhow gobolka Obock.
Hawlgalka oo ka dhacay aagga Assa Fod ee gobolka Obock ayaa lagu qabtay sagaal muhaajiriin ah oo ku jiray xaalad tahriib, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in doonta ay la socdeen tahriibayaal hubeysan oo watay hal qori oo nooca AK-47 ah iyo laba qasnad oo rasaas ah, kuwaas oo la rumeysan yahay inay fududeynayeen in muhaajiriinta si qarsoodi ah loogu soo dajiyo xeebaha Jabuuti.


