Jabuuti – 6 Jannaayo 2026 (Dawan)- Dowladda Jabuuti ayaa si rasmi ah u shaacisay miisaaniyadda sannadka 2026, oo dhan 970 milyan oo doollar, taas oo xoogga saaraysa kharash-garaynta ku salaysan barnaamijyo, kobcinta ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe, iyo hirgelinta maaliyad dadweyne oo waarta, xilli uu dalku wajahayo duruufo dhaqaale iyo juqraafi-siyaasadeed oo isbeddelaya.
Wasiirka Miisaaniyadda Jabuuti, Cusmaan Ibraahim Rooble, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in miisaaniyaddan – oo u dhiganta 172.3 bilyan oo faranka Jabuuti ah – ay tahay mid ku dhisan “dhaqan natiijo ku salaysan”, isla markaana ujeeddadeedu tahay in la hubiyo in kharash kasta oo dawladeed uu si toos ah u taabto nolosha muwaadiniinta.
Rooble ayaa sheegay in dawladda Jabuuti ay saadaalinayso kobac dhaqaale oo gaaraya 7.4 % sannadka 2026, halka sicir-bararka la filayo inuu ku ekaado qiyaastii 1.9 %, taas oo uu ku tilmaamay tilmaam muujinaysa xasilloonida guud ee dhaqaalaha dalka.







