Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Kaabeyaasha Dhaqaalaha iyo Qalabka ee Jabuuti, Mudane Saciid Nuur Xasan, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray qaybta Doudoubalala–Galblalou ee Waddada Qaranka No. 1, kaddib markii la soo gabagabeeyay howlaha dib-u-dayactirka waddada, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Jabuuti.
Howlaha dayactirka oo loo fuliyay laba marxaladood ayaa lagu sameeyay waddo dhererkeedu yahay 10 kiiloomitir, ballaceeduna yahay 10 mitir, iyadoo sidoo kale la dhisay 35 marin-biyood oo loogu talagalay hagaajinta qulqulka biyaha iyo ilaalinta waddada.
Qaybtan la dayactiray ayaa gacan ka geysanaysa hagaajinta isu-socodka iyo badbaadada dadka isticmaala waddada, iyadoo sidoo kale xoojinaysa isku-halaynta marinka iyo fududeynta gaadiidka dadka iyo badeecadaha.
Mashruuca waxaa maalgelisay Shirkadda DPCR, iyadoo taageero laga helay Bangiga Salaam African, waxaana fulisay Shirkadda Al-Nasri Group oo ah shirkad maxalli ah. Shaybaarka Dhexe ee Dhismaha iyo Qalabka ayaa sameeyay tijaabooyinka, hubinta waafaqsanaanta iyo kontoroolka tayada ee mashruuca.
Mashruucan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Jabuuti ee lagu horumarinayo laguna ilaalinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta isku-xirka Jabuuti iyo gobollada ku xeeran.