Jabuuti, 24 Janaayo 2026 (Dawan) – Orod-yahanka lagu magacaabo Muxudiin Cabdi Wacays, oo ka tirsan Ilaalada Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa ku guuleystay horyaalka tartanka 25-aad ee Nus-Maaradoonka Caalamiga ah ee Jabuuti, kaas oo Jimcihii ka dhacay caasimadda dalkas, isla markaana noqday mid si weyn u muujiyay awoodda sii kordheysa ee Jabuuti ee dhanka orodka masaafada dheer.
Tartankan, waxaa ka qayb galay orod-yahanno ka kala socday dalalka Itoobiya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Zaambiya, Burundi, Angola, Kenya iyo dalka martigeliyay ee Jabuuti.
Tartanka oo ahaa mid aad u adag, ayay orod-yahannada Jabuuti ugu dambeyn xaqiijiyeen inay wada hantaan saddexda kaalin ee ugu sarreeya.
Muxudiin Cabdi Wacays ayaa galay kaalinta koowaad, isagoo ka hor maray Hani Idiris Xirsi oo ka tirsan Ilaalada Xeebaha Jabuuti, kaas oo muujiyay horumar la taaban karo marka loo eego tartamadiisi hore, kuna dhammaystay kaalinta labaad. Halka Ayaanle Cabdi Cabdillaahi, oo isna ka tirsan Ilaalada Jamhuuriyadda, uu galay kaalinta saddexaad.







