Jabuuti (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa wadda qorshe cusub oo looga hortagayo kuleylka sii kordhaya iyo saameynta isbeddelka cimilada, iyadoo la diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Qaboojinta Jabuuti, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti.
Qorshahan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu dhimayo saameynta kulaylka daran, korna loogu qaadayo isticmaalka tamarta nadiifta ah iyo nidaamyada qaboojinta ee waara.
Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jabuuti, Yoonis Cali Geeddi, ayaa magaalada Jabuuti ku qaabilay wafdi ka socday Xarunta Gobolka ee Tamarta La Cusboonaysiin karo iyo Waxtarka Tamarta (RCREEE), kuwaas oo booqasho shaqo ku jooga dalka si ay uga qeyb qaataan diyaarinta qorshahan cusub.
Wasiirka ayaa sheegay in RCREEE ay tahay “saaxiib istiraatiiji ah” oo muhiim u ah Jabuuti dhinacyada horumarinta tamarta la cusboonaysiin karo iyo kor u qaadidda waxtarka tamarta.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qorshahan cusub lagu diyaarin doono hannaan ay ku lug leeyihiin dhammaan qeybaha isticmaala adeegyada qaboojinta, sida caafimaadka, beeraha, kalluumeysiga, gaadiidka iyo dhismaha.


