Addis Ababa (Dawan) – Dowladda Jabuuti ayaa xoojisay adeegyada qunsuliyadeed ee ay ka bixiso bariga Itoobiya si ay uga jawaabto kororka safarrada xilliga fasaxa xagaaga, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Jabuuti (ADI).
Qunsuliyadda Guud ee Jabuuti ee magaalada Dire Dawa ayaa ballaarisay nidaamka taageerada iyo gurmadka degdegga ah si ay adeegyo dhaqso leh ugu fidiso muwaadiniinta Jabuuti ee u safra magaalooyinka Dire Dawa, Harar iyo Jigjiga, halkaas oo kumannaan qof ay ku qaataan fasaxa xagaaga.
Qunsuliyaddu waxay ku boorrisay dhammaan muwaadiniinta Jabuuti inay isdiiwaangeliyaan marka ay gaaraan deegaannada ay qunsuliyaddu ka shaqeyso. Tani waxay u sahlaysaa saraakiisha qunsuliyadda inay si degdeg ah uga jawaabaan haddii ay dhacaan shilal, xaalado caafimaad oo degdeg ah ama dhibaatooyin dhanka maamulka ah. Dadka safarka ah ayaa sidoo kale la siiyaa lambarrada degdegga ah ee qunsuliyadda iyo booliiska deegaanka.
“Ujeeddadu waa in muwaadin kasta uu ogaado inuu ku tiirsanaan karo qunsuliyaddiisa habeen iyo maalin,” ayuu yiri Qunsulka Guud ee Jabuuti, Moussa Haji, isagoo sheegay in adeegyada gurmadka degdegga ah la heli karo 24 saacadood maalintii, oo ay ku jiraan maalmaha fasaxa iyo ciidaha.
ADI ayaa sheegtay in qunsuliyaddu sidoo kale bilowday ololeyaal wacyigelin ah oo lagu dhiirrigelinayo dadka safarka ah inay hubiyaan ansaxnimada dukumentiyadooda safarka, u hoggaansamaan shuruudaha gelitaanka Itoobiya, isla markaana ay haystaan xogta xiriirka ee qunsuliyadda ka hor inta aysan safarka gelin.