Jabuuti (Dawan) — Xafiiska Qaranka Biyaha iyo Fayadhowrka Jabuuti (ONEAD) ayaa kordhiyay hawlgallada lagu nadiifinayo biyo-mareennada iyo kanaallada magaalada Jabuuti, iyadoo dalka uu isu diyaarinayo roobab culus oo lala xiriirinayo saameynta El Niño.
Kooxaha ONEAD ayaa Arbacadii nadiifiyay kanaalka Guelleh Batal, iyagoo ka saaray dhoobo, qashin iyo walxo kale oo ku ururay marinka biyaha, si loo hubiyo in biyaha roobku si habsami leh u maraan marka ay da'aan roobab xooggan.
Hay’addu waxay sheegtay inay hawlgallada u adeegsatay shaqaale iyo qalab badan, iyadoo kooxaha nadaafaddu ay sidoo kale ka shaqeynayaan biyo-mareenno ay xannibeen dhir iyo qashin kala duwan, oo ay ku jiraan geedaha Prosopis-ka.