JABUUTI, April o1 (Dawan) – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Talaadadii ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 25 guurada Jaamacadda Jabuuti, isagoo ammaanay doorka ay ku leedahay tababarka aqoonyahannada dalka iyo horumarinta qaranka, xilli dalka uu isu diyaarinayo doorashooyinka 2026, sida ay soo warisay wakaaladda wararka dowladda ee ADI.
Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Balbala ee magaalada Jabuuti ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin dowladeed, aqoonyahanno iyo arday, iyadoo lagu soo bandhigay barnaamijyada waxbarasho iyo cilmi-baarista jaamacadda.
Geelle ayaa sheegay in aasaaska jaamacadda sanadkii 2000 uu ahaa “go’aan siyaasadeed oo weyn” oo wax ka beddelay fursadaha waxbarashada sare ee dalka.
“Waxay calaamad u ahayd isbeddel ka yimid xilli ay tiro yar oo arday ah oo keliya dibadda wax ku baran jireen,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa booqday xarumo cilmiyeed ay ka mid yihiin shaybaarro ku saabsan tamarta la cusboonaysiin karo, injineeriyadda, kiimikada iyo garaadka macmalka (AI), isagoo muujiyay ballaarinta aqoonta jaamacadda.
Wuxuu ammaanay “waxqabadka” jaamacadda ee soo saarista xirfadlayaal muhiim u ah horumarinta dalka, sida injineerro, macallimiin, shaqaalaha caafimaadka iyo sharciyaqaano.


