Jubaland, 21 October 2025 (Dawan) — Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa shalay si rasmi ah xarigga uga jaray xarunta cusub ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA) ee magaalada Kismaayo.
Xaruntaan Cusub ayaa ah mid si casri ah loo dhisay ayaa waxaa lagu maalgaliyay canshuuraha ay bixiyaan bulshada ku dhaqan Jubaland lagu sheegay bayaanka la socday sawirada Xarig jarka.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Gudaha, Yuusuf Xuseen Cusmaan, Agaasimaha Hay’adda JISA, Maxamed Axmed Sabriye, iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubaland, Jeneraal Ismaaciil Saxardiid.
Madaxweynaha Jubaland bartiisa facebook ku bogaadiyay dhismahaan ayaa sheegay in ay qeyb ka tahay horumarada Jubaland iyada oo qarashka galay uu ka yimid canshuurta uu maamulkiisa aruuriyay.” Waxaan si rasmi ah xarigga uga jaray Xarunta Dhexe ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA), oo si casri ah loo dhisay, laguna maalgeliyay canshuurta shacabka Jubaland.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale amaanay howlwadeennada hay’adda JISA ee ilaalinta amniga iyo xasilloonida Jubaland, isaga oo xusay in JISA ay ka mid tahay hay’adaha amni ee ugu hufan Geeska Afrika.
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland (JISA) waxaa la aasaasay sanadkii 2013, xilli dowlad-goboleedka Jubaland si rasmi ah loo dhisayay kadib heshiiskii siyaasadeed ee lagu dhisay maamulka ay Kismaayo u noqotay caasimadda ku meel-gaarka ah ee Jubaland.



