Kismaayo (Dawan ) – Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa si rasmi ah ugu eedeeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, in uu mas’uul ka yahay hurinta colaadaha ka taagan gobolka Gedo.
Qoraal laga soo saaray kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubbaland, oo uu guddoomiyay Madaxweynaha dowlad-goboleedka, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa lagu sheegay in Taliska Madaxweynaha Federaalka uu ku hawlan yahay qorsheyaal lagu sii hurinayo xiisadaha gobolkaas.
"Shirkan waxaa diiradda lagu saaray xaaladda gobolka Gedo iyo qulqulatooyinka sii kordhaya ee ay hurinayaan Taliska Xasan Sheekh, kuwaas oo ujeedadoodu tahay in colaado daba dheeraada laga abuuro Gedo," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Jubbaland.