Kismaayo (Dawan) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aan lagu halleyn karin maamulka hawada dalka, isagoo ku eedeeyay inay cunaqabatayn ku hayso duulimaadyada iyo adeegyada muhiimka ah ee ka howlgala degmada Doolow.
Madoobe ayaa sheegay in cunaqabatayntaasi ay si gaar ah u saameysay diyaaradaha gargaarka bani’aadannimo iyo kuwa caafimaadka, taasoo caqabad ku noqotay gaarsiinta adeegyada degdegga ah ee haweenka uurka leh, carruurta iyo dadka kale ee u baahan gargaar.
Wuxuu xusay in haddii Dowladda Federaalka aysan qaadin tallaabooyin degdeg ah, xaaladdu ay sii xumaan karto, isagoo caddeeyay in Jubbaland ay diyaar u tahay inay xaqiijiso in diyaaradaha caafimaadka iyo kuwa gargaarka bani’aadannimo ay gaaraan bulshada u baahan.