Nairobi (Dawan) – Hay’adda Dakhliga Kenya (KRA) ayaa ku dhawaaqday qorshe ay ku xoojinayso taageerada ganacsatada xaafadda Eastleigh ee magaalada Nairobi, kaddib walaac laga muujiyay heerka hoose ee u hoggaansanaanta canshuuraha, gaar ahaan adeegsiga nidaamka elektaroonigga ah (eTIMS).
Mas’uulka qaabilsan canshuur-bixiyeyaasha yaryar iyo kuwa dhexdhexaadka ah, George Obell, ayaa sheegay in gaabiska jira uu ku yimid qaadashada nidaamka iyo yaraanta biilasha waafaqsan shuruucda kuwaas oo si toos ah u saameynaya hufnaanta macaamilada ganacsi ee mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee ugu firfircoon dalka.
Wuxuu xusay in ganacsato badan ay weli ku tiirsan yihiin in bixiyaan lacago caddaan ah, iyaga oo aan mararka qaar helin warqadii cadeyamaha, arrintaas oo caqabad ku ah shirkadaha wax ka iibsada Eastleigh si ay si sharci ah u diiwaangeliyaan kharashaadkooda.
Hadalladan ayuu ka jeediyay kulan wadatashi ah oo uu la yeeshay xubnaha Ururka Ganacsatada Eastleigh (EBDA), isaga oo carrabka ku adkeeyay in hay’addu ay kordhin doonto dadaallada lagu diiwaangelinayo ganacsatada, isla markaana lagu hubinayo bixinta rasiidhada dhammaan macaamilada.
“Waxaan xaqiijin doonnaa in ganacsatadu awood u yeeshaan isticmaalka eTIMS, si loo xoojiyo hufnaanta loona abuuro jawi tartan oo caddaalad ah,” ayuu yiri.


