Muqdisho (Dawan) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa Sabtidii dowladda ku eedeeyay musuqmaasuq iyo maamul-xumo dhaqaale, isagoo sheegay in siyaasadaha dowladda ay horseedeen culays dhaqaale, daciifiyeena ganacsiyada, isla markaana hoos u dhigeen kalsoonida shacabka ee hay’adaha dowladda.
Khayre, oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa eedeymahan jeediyay khudbad uu uag hadlay xaaladda dhaqaale ee Soomaaliya, kaddib in ka badan afar sano oo uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xafiiska joogay.
Wuxuu sheegay in kobaca dhaqaalaha uu hoos u dhacay, halka awoodda wax iibsiga qoysaskuna ay yaraatay, isagoo tixraacay xog uu sheegay inay ku jirto warbixin Bangiga Adduunka soo saaray bishii May 2026 oo ku saabsan dhaqaalaha Soomaaliya.
Sida uu Khayre sheegay, wax-soo-saarka gudaha ee dhabta ah ee Soomaaliya ayaa 3% hoos u dhacay sannadkii 2025, halka awoodda wax iibsiga ay hoos u dhacday 5.7%. Wuxuu sheegay in hoos-u-dhacaasi uu saameeyay qoysaska iyo ganacsiyada.
Khayre wuxuu sheegay in 2025 uu ka mid ahaa sannadihii ugu adkaa ganacsatada Soomaaliyeed muddo toban sano ah, isagoo xusay in qaar ka mid ah shirkaduhu xirmeen, shaqaale dhimeen ama mushaharrada yareeyeen.
Waxa kale oo uu dowladda ku eedeeyay siyaasado uu sheegay inay dhaawaceen maalgashiga dhulka iyo xaaladda nidaamka bangiyada dalka.
Khayre ayaa sheegay in musuqmaasuq iyo maamul-xumo ay wiiqayaan horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.
“Musuqmaasuqu waa dilaaga dhaqaalaha iyo dowladnimada,” ayuu yiri Khayre, isagoo ku dooday in musuqmaasuqu uu baabi'inayo kheyraadka dadweynaha isla markaana caqabad ku yahay horumarka qaranka.
Khayre wuxuu sidoo kale sheegay in isbaarooyin aan rasmi ahayn ay dib uga soo muuqdeen waddada u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho, isagoo sheegay in beeraleyda lagu khasbayo inay lacag ku bixiyaan 16 isbaaro, taas oo uu ku sheegay inay dhaawacayso wax-soo-saarka beeraha isla markaana sare u qaadaysa qiimaha cuntada.
Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay shirkadaha ka howlgala dekedda Muqdisho inay konteenar kasta ka qaadaan lacag dheeraad ah oo dhan $320, isagoo sheegay in kharashkaasi uu culays dheeraad ah saaray ganacsatada wax soo dejisa.