Muqdisho (Dawan)– Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku amartay dhammaan imaamyada masaajidda dalka in khudbadaha Jimcaha ee berri oo ku beegan 2-da Janaayo 2026 looga hadlo arrimaha la xiriira madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada qaranka, iyo khatarta ka dhalan karta aqoonsiga ay Israa’iil u fidisay Somaliland.
Warqad ogeysiis ah oo ay wasaaraddu u dirtay imaamyada masaajidda ayaa lagu faray in khudbadda Jimcaha si gaar ah diiradda loogu saaro muhiimadda midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, iyo halista faragelinta Israa’iil ay ku yeelan karto madaxbannaanida, midnimada dhuleed iyo amniga guud ee dalka.
Wasaaraddu waxay tilmaantay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada dowladda Federaalka ay ku doonayso inay ku mideyso dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, isla markaana kor loogu qaado wacyiga ku saabsan arrimaha qaran ee xasaasiga ah, gaar ahaan xilli ay soo baxayaan isbeddello siyaasadeed oo saameyn ku yeelan kara mustaqbalka dalka.
Arrintan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ay hore si adag u diideen tallaabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, iyagoo ku tilmaamay mid khatar ku ah madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada dhuleed, iyo diinta ummadda Soomaaliyeed.








