Baydhabo (Dawan ) – Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa diiday wareegto ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kormeerka maamullada heer gobol iyo heer degmo iyo buuxinta jagooyinka bannaan, taasoo sii xoojisay xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo maamulkaas.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dowladaha Hoose iyo Dib-u-heshiisiinta ee Koonfur Galbeed, oo ku taariikheysnaa 23 Maarso, ayaa lagu sheegay in maamulka uusan fulin doonin amarka federaalka, isagoo ku dooday in arrimahaasi ay hoos yimaadaan awoodda dastuuriga ah ee dowlad goboleedka.
Wareegtada dowladda federaalka ayaa shalay ku amartay maamullada heer gobol iyo heer degmo inay sii wataan shaqadooda maadama ay dhamaatay muddadii xileedka maamulka sare ee Koonfur galbeed, si looga hortago firaaq maamul. Waxa kale oo lagu sheegay in wasaaraddu, iyadoo la tashaneysa odayaasha dhaqanka, ay kormeer doonto sii wadidda maamullada jira iyo buuxinta xilalka bannaan marka loo baahdo.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in tallaabadan ay ka hor imaanayso nidaamka federaalka ee dalka, kaas oo ay sheegtay inuu siinayo dowlad goboleedyada awood ay si gaar ah ugu maamulaan arrimahooda gudaha.
